Wednesday, 13 July 2022

Naseexo laga qoray biyo dahab ah!!


قال الإمام بن الجوزي : ( إكتم عن الناس ذهبك .. وذهابك .. ومذهبك)


Imaam Ibnu Al-Jawzi wuxuu yiri: (Ka qari dadka dahabkaaga,socodkaaga iyo caqiidadaada)


Dahbkaaga: hantidaada,xaalkaaga iyo nimco kasta aad ku raaxeysaneyso. Wax xikmad ah kuma jirto in aad dadka la wadaagto mushaarkaaga,heerkaaga ama mustawahaaga dhaqaale.


Dhanka Socodkaaga: yacnii;Yoolaalkaaga nolosha oo dhan,wax kasto oo aad damacsan tahya in aad qabato, hawl-gal mashruuc. Sayidkeennii Yacquub(Cs) wuxuu wiilkiisa Yuusuf ku yidhi: " Ha u sheegin riyadaada walaalahaa,si ay shirqool kugu dhigin" . Wuuna u cabsaday wiilkiisa in ay walaalihiisa xaasidaan aam ay dhagraan ,in kastoo ducadu ay tahay riyo aan weli iman.


Dhanka caqiidadaada: waxaa loola jeeda mawqifkaaga nololeed amaba siyaasadeed, naftaadana ha ku badin,maxaad jeceshahay iyo maxaad neceb tahay.ximkadi kuma jirto in aad dhex maquurato doodo ma dhaleys ah oon aan  loo baahneyn, sidoo kale cidna ha u talin in uu talo ku weydiisto mooyaane. 


Sayidkeenii Cumar Ibnu Al-khattab(RC)wuxuu leeyahay: waan ka shallaayey in aan hadlo marar badan,lkn marna kamaan shallayn aamusnaanta!

No comments:

Post a Comment

Naseexo laga qoray biyo dahab ah!!

قال الإمام بن الجوزي : ( إكتم عن الناس ذهبك .. وذهابك .. ومذهبك) Imaam Ibnu Al-Jawzi wuxuu yiri: (Ka qari dadka dahabkaaga,socodkaaga iyo ca...